Isagoo kahadlaya ahmiyadda shirka #SES2024 ayuu xaqiijiyay sida ay Sweden uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto nabad iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay awood-siinta dhallinyarada si loo gaaro horumar waara. Iyadoo kor uqadaysa codka bulshada nugul oo ay ugu horreeyaan dhalinyarada & haweenka Soomaaliyeed dowrkooda muhiim ka ah ee ay ka ciyaarikaraan dhaqaajinta isbeddelka iyo sidii loo gaari lahaa mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.
Sweden ayaa Soomaaliya kutaageerta boqolaal million oo dollar oo kusaabsan sidii loo dhisi lahaa bulsho nabad ah, iyadoo diiradda lasaarayo tayaynta waxbarashada, dhisidda adkaysiga isbadalka cimilada, Amniga, shaqo-abuurka, iyo fursado dhaqaale kuwaaso u suurtagelinaya dhallinyarada Soomaaliyeed in ay gaaraan awooddooda.
Xafiiska Warfaafinta Maandhis
Email: info@maandhis.org